Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Soo Bandhigay Hadhaaga Gantaaladii Lagu Duqeeyey Xarumaha Shidaalka Dalkaasi

focus

Sacuudiga Oo Soo Bandhigay Hadhaaga Gantaaladii Lagu Duqeeyey Xarumaha Shidaalka Dalkaasi

(SLT-Riyadh)-Afhayeenka Millatariga Sacuudiga oo Arbacadii shalay soo bandhigay hadhaadiga gantaaladii lagu qarxiyey Sabtidii xarumahooda shidaalka ayaa weerarkaasi ku eedeeyey dowlada Iran.

Journalists film what Saudi military spokesman Col. Turki al-Malki said was evidence of Iranian weaponry used in the attack targeted Saudi Aramco’s facilities in Abqaiq and Khurais, during a press conference in Riyadh, Saudi Arabia, Wednesday, Sept. 18, 2019. (AP Photo/Amr Nabil)

Col.Turki Al-Malki ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday laba xarun oo waaweyn oo shidaalka laga soo saaro ayaa sheegay in weerarada loo adeegsaday ugu yaraan 18 diyaaradaha yar yar ee Droneka ah iyo waliba Gantaalada heerka hoose ku duula (Cruise missiles) oo gaadhi kara illaa 700km, isagoo intaasi raaciyey in tani ay caddeyn u tahay in gantaaladan aan laga soo tuurin dalka Yemen.

Inkastoo afhayeenka Sacuudiga aanu sheegin halka weerarkan laga soo abaabulay ayuu hadana sheegay in ayna macquul ahayn in kooxda Xuuthiyiinta oo weerarkan sheegatay ay tahay cidda dhabta ah ee fulisay, wuxuuna soo bandhigay muuqaal kooban oo muujinaya in droneska ka yimaadeen jihada waqooyi ee xarumaha Abqaiq iyo Khurais ee la duqeeyey.

Wuxuu sheegay Col.Turki in hubka weerarka loo isticmaalay uu yahay hubka ay sameyso dowlada Iran.

Dowlada Iran ayaa dhankeeda Arbacadii shalay soo saartay digniin ku socota Dowlada Maraykanka oo ku hanjabtay inay tilaabo millatari kaga jawaabi doonto weerarkii Sacuudiga lagu qaaday, waxayna Xukuumada Tehran oo markale ku celisay inaysan wax lug ah ku lahayn weerarkaasi ay sheegtay in hadii Maraykanka uu soo weeraro ay iyaguna tilaabo adag oo millatari kaga jawaabi doonaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top