Connect with us

somalilandtoday.com

Xuutiyiinta Oo Sheegay In Shidaalka Sacuudiga Aanu Ka Qiimo Badneyn Dhiiga Shacabka Yemen

focus

Xuutiyiinta Oo Sheegay In Shidaalka Sacuudiga Aanu Ka Qiimo Badneyn Dhiiga Shacabka Yemen

(SLT-Yemen)-Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa aad u dhaleeceeyay dowladaha taageeraya Isbaheysiga Sacuudiga kadib weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone-ka ay maleeshiyadan ku qaaday warshada shidaalka ee Aramco.

Afhayeenka kooxda oo lagu magacaabo Xuuti Ansaarulah ayaa ugu baaqay kuwa ka walwal qaba weerarka lagu qaaday ilaha dhaqaalaha Sacuudiga inay ka fikiraan kuwa aan wax heysan oo maalin walba dhiigooda la daadinayo.

Mr Xuuti ayaa dhanka kale tilmaamay in wadahadal iyo isfaham lagu heli karo nabad waarta oo ka dhacda wadanka Yemen ayna isku dhiibi doonin dowlado dano gaar ah ka leh Yemen.

Wuxuu hadalkiisa ku soo koobay kuwa ka xun weerarkii 14-kii bishan September lagu qaaday xarunta ugu weyn ee shidaalka caalamka laga soo saaro ee Aramco, in nafsadooda ay ku dhaliilaan sida ayna ugu hadlin dhiiga shacabka Yemen ee maalin walba la daadinayo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top