Connect with us

somalilandtoday.com

Wakaaladda Thomson Reuters Oo Filim Dukumantari Ah Ku Soo Bandhigtay Warbixin Xiiso Leh Oo Ku Saabsan Somaliland

focus

Wakaaladda Thomson Reuters Oo Filim Dukumantari Ah Ku Soo Bandhigtay Warbixin Xiiso Leh Oo Ku Saabsan Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Belinda Goldsmith oo ah Tifaftiraha Guud ee Wakaaladda Wararka Thomson Reuters Foundation oo dhawaan booqasho ku timid dalka ayaa  filim dukumantari ah oo xiiso badan  ka sameysay isbeddelka cimiladda iyo saameynta ay ku yeelatay Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintaasi waxa kaloo ay kaga hadashay dawladnimada Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay. Filimkan dukumantariga ah oo 12 daqiiqo ahaa waxa soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo ka diyaarisay warbixintan:-

“Markii ay Xaawa Maxamed ay soo kacday Subax ayey aragtay inay tobanaan ka mid ah riyahii ay dhaqanaysay le’deen, waxaanay u qaadatay in noloshii ay ku noolaayeen xooluhu ay u dhammaatay.

Xaawa Maxamed oo ku nool tuulo  u dhow xeebta gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa sheegtay ka hor intii aanay xooluhu ka bixin in muddo siddeed sannadood ah uu dhulku nabaad guurayey  oo xaaladda xoolo dhaqataduna ka sii daraysay.

Xaawa  oo 32 jir ah, saygeeda Axmed Cali iyo afartooda carruur ahi waxay sannadkan ku biireen illaa 600.000 oo qof oo ka soo barokacay miyiga Somaliland, kuwaasi oo soo galay magaalooyinka si ay ugu noolaadaan,kadib markii ay ka baxeen xoolihii.

Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal ay ku nool yihiin 4 Milyan oo qof oo ku yaalla Geeska Afrika, ayaa ah mid ka mid ah dalalka ugu nugul ee isbeddelka cimiladu saameynta ku yeeshay maadaama oo  ay yihiin dal  faqiir ah isla markaana aanay aheyn Waddan  la aqoonsan yahay.

“Waa ummad dhaqaaqday,”ayey tidhi Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Bandare oo  xafiiskeeda ugu warrantay Thomson Reuters, waxaanay intaas ku dartay; “Isbeddelka cimiladu dhab ahaan waa laga dareemayaa Somaliland, waana  arrin masiibo ah.”

Riyaha  Hargeysa waxay jidadka  socdaan  iyagoo ay dhinacyada kaga qoran yihiin lambarrada telefoonadda dadkii lahaa.

Guddoomiyaha Hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo Keydka Raashinka Faysal Cali Sheekh, ayaa sheegay in Somaliland wajahayso  caqabado badan oo ay ka mid yihiin saboolnimo iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo hooseeya.

“Ma lihin wabiyo iyo meelo kale oo biyaha aanu ku qabsanno, waxay nolashayadu ku tiirsan tahay gabi ahaanba roobka. Mana helo deyn aanu ka soo qaadanno dalalka caalamka,”ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh oo u Warramay Thomson Reuters.

Waxa kaloo Wakaaladdu intaas ku dartay in Boqolkiiba Konton dadka ku dhaqan magaalooyinka iyo Boqolkiiba Afar iyo Lixdan ku nool miyiga Somaliland ay yihiin dad danyar ah.

Afhayeen u hadlay Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in ilaa 600.000 oo qof ay ka soo barakaceen deegaannadii ay ku noolaan jireen.

Faadumo Aadan oo ku dhow 80 jir ayaa u soo guurtay xero ku taalla Sheekh Cumar oo ay ku jiraan dadka abaaraha ku barokacay ee ku nool Somaliland qaybo ka mid ahi, halkaasi oo ay ku jiraan ilaa 1,500 oo qof.

“Markii aan yaraa deegaanku wuxuu ahaa mid cagaaran, dhirta ayaa ku taalay meel kasta, dadkuna waxay haysteen xoolo ku filan oo qoysasku ay ka soo iibsan jireen wax kasta oo ay u baahdaan,”ayey tidhi Faadumo Aadan, waxaanay intaas ku dartay; “Noloshayda waan arkay abaaro hore, hase ahaatee waxaan abaarihii  ugu xumaa na soo mareen tobankii sannadood ee la soo dhaafay.”

Xerada Sheekh Cumar waxay ka mid tahay illaa labaatan xero oo ku yaalla nawaaxiga Hargeysa oo ay ku jiraan dadka abaaraha ku soo baro-kacay, waxaana taageeraysay ilaa 2017kii  Hay’adda Save the Children.

Wakiilka Somaliland u fadhida Ingiriiska Ayaan Maxamuud ayaa ku dooday in  isbeddelka cimiladu ay waxyeeladeedu joogto ku noqotay muddooyinkii u dambeeyey Somaliland isla markaana ay daciifisay noloshii miyiga ee bulshada Somaliland. “Bulshada xoolo dhaqatada ah ayey abaaruhu saameeyeen waxaanay ku waayeen xoolihii iyo qaab nololeedkoodii caadiga ahaa,”ayey tidhi Ayaan Maxamuud.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah haweenaydii u horreysay ee noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa  sheegtay in nolol dhaqameedkii reer guuraagu ay baaba’day. Marwo Edna Aadan waxay ku dooday in halganka Somaliland ugu jirto aqoonsigu uu muhiim u yahay mustaqbalka dalka. “Marka lagu aqoonsan yahay, dadku way kuu imanayaan si ay kuu maalgashadaan,”ayey tidhi Edna Aadan.

Somaliland waxay ahaan jirtay maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray,ka hor intii aanu sannadkii 1960kii siinin madax-bannaanidooda. Waxaanay la midoobeen Soomaalidii Talyaanigu gumaysan jiray. Somaliland waxay Soomaaliya kaga go’day dagaal  qadhaadh oo dhiig ku daatay.

Somaliland waxay ku naaloonaysaa xasilooni iyo deganaansho, waxaanay dalkeeda ka hirtay kooxaha argagixisada iyo budhcad baddeeda. Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay baarlamaan, lacag u gaar ah iyo ciidammo millatari ah.Inkasta oo ay Somaliland  ay ka tisqaaday nabadglyo, hase ahaatee Somaliland wali kumay guulaysan in loo aqoonsado dal madax-bannaan, inkasta oo magaalooyin ku yaalla Ingiriisku ay Somaliland u ictiraafeen waddan madax-bannaan.

“Haddii nala aqoonsado iyo haddii kaleba  waxaannu nahay dal doonaya inuu dadkiisu sameeyo horumar,”ayey tidhi  Ayaan Maxamuud oo ah Wakiilka Somaliland u fadhida Ingiriiska.

Xukuumadda Somaliland iyo ururrada kale ayaa isku dayaya inay shaqooyin cusub u abuuraan da’yarta dalka, waxana Boqolkiiba Toddobaatan shacbiga Somaliland ay da’doodu ka hoosaysaa 30 jir.

Xukuumadda Somaliland waxay sannadkan furtay  tababar millatari oo ay ka qaybgaleen 1,500 oo dhallinyaro ah oo rag iyo dumarba iskugu jiray, halka Hay’adda HAVOYOCO ay iyaduna fuliso tababarro farsamada gacanta ah oo looga baahan yahay suuqyada shaqada Somaliland.

“Waxaannu u aragnaa in shaqo la’aanta dhallinyaradu ay tahay caqabadaha u waaweyn ee haysta Somaliland oo u baahan maalgashi ballaadhan oo lagu abuuro shaqooyin kala duwan,”ayuu yidhi Afhayeenka Hay’adda Oxfam Cabdicasiis Caddaani.

Waxa soo turjumay soona koobay Cumar Maxamed Faarax

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top