Connect with us

somalilandtoday.com

Laba Sarkaal Oo Maxkamad Loo Soo Taagay Tahriibayashii Badda Ku Dhintay

focus

Laba Sarkaal Oo Maxkamad Loo Soo Taagay Tahriibayashii Badda Ku Dhintay

(SLT-Rome)-Maxkamadda Talyaaniga ayaa markii ugu horreysay bilowday Maxkamadeynta laba sarkaal oo ka tirsan ciidammada Badda oo lagu eedeeyey inay u gurman waayeen boqolaal tahriibayaal ah oo ay doonidooda badda ku degtay sanadkii 2013.

Shilkaasi ay ku dhinteen in ka badan 260 Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 60 carruur ah ayaa dhacay 11kii Oktoober 2013, waxaana la sheegay in dadkaasi codsadeen in loo soo gurmado, balse ciidammada badda ay muddo saacado ah eeganayeen doonidaasi oo ugu dambeyntii badda ku degtay.

Labadan sarkaal oo lagu kala magacaabo Leopoldo Manna iyo Luca Licciardi ayey xeer illaalinta kusoo eedaysay inay hawshoodii gabeen, waana saraakiishii ugu horreysay oo Talyaani ah oo maxkamad loo soo taago dadkii badnaa ee badda ku dhintay.

Qareenada u doodaya qoysaska Tahriibayaashaas ayaa sheegay inay doonayaan inay caddaalad helaan dadkii ay ka tageen marxuumiintii ku dhintay shilkaasi oo ahaa shilkii ugu xumaa oo ay tahriibayaashii ugu badanaa ay ku dhintaan.

Halka qareenada difaacaya Saraakiishan ay eeda shilkan dusha ka saareen Ciidammada badda ee dalka Malta oo ay sheegeen inay iyagu ahaayeen kuwa qaabilsan gurmadka deg dega ah ee loo fidiyo dadka tahriibayaasha ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top