Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Loogu Baaqay In Uu Sii Daayo Hoggaamiye Ka Tirsan Xamaas

focus

Sacuudiga Oo Loogu Baaqay In Uu Sii Daayo Hoggaamiye Ka Tirsan Xamaas

(SLT-Riyadh)-Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiisha sare oo muddo shan bilood ah ku xidhan xabsi ku yaalla Sacuudiga la dhigay cisbitaal kadib markii xanuun uu soo Waajahay.

Maxamaed Nazal, oo ah saraakiisha dhanka siyaasadda ee Xamaas ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray maanta in Maxamed Al-Khudari oo ku xidhan xabsiga Dahbaan ee ku yaalla magaalada Jeddah la dhigay cisbitaal ku yaalla magaalada Makka.

Mr Nazal ayaa dhanka kale ku eedeeyay boqortooyada xadhiga ay u geysatay tobanaan qof oo falastiini ah oo uu ka mid yahay Al-Khudari kuwaasi oo muddo ka badan 30 sano ku noolaa Sacuudiga.

Ninka la xidhay oo da’diisu tahay 81 sanno jir ah ayaa muhiim ka ah gudaha ururka Xamaas isaga oo ugu matalayay dalka Sacuudiga intii u dhaxeysay 1990 ilaa sannadkii 2003-da.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top