Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Wacad Ku Maray Go’aan Ka Dhan Ah Dhulka Falastiiniyiinta

focus

Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Wacad Ku Maray Go’aan Ka Dhan Ah Dhulka Falastiiniyiinta

(SLT-Tel Aviva)-Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu qorsheynayo dhismaha deegaano cusub oo lagu ballaadhin doono daanta galbeed ee dhulka Falastiin, haddii uu ku guuleesto doorashada soo socota.

Waxaan ballaadhin doonaa dhammaan deegaameynta dhulka Israa’iil meel kasta gaar ahaan goobaha muhiimka u ah taariikhda Israa’iil ayuu yidhi isaga oo ka hadlayay raadiyaha Millatariga.

Wuxuu tusaale u soo qaatay deegaameynta Qiryat Carba oo ku dhow magaalada Al-Khaliil oo ka mid noqon doonta dhulka Israa’iil.

Netanyahu ayaa intaa ku daray in qorshahaan uu u gudbiyay madaxweyne Donald Trump, lagana sheegi doono shirka nabada ee Falastiniiyiinta iyo Israel oo Mareykanka uu hormuudka ka Yahay.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii Netanyahu uu balan qaaday in Israa’iil uu ku ballaadhin doono qeyb ka mid ah dalka Jordan gaar ahaan badda dhimatay ee ku taala waqooyiga Jordan.

Inkastoo Israa’iil ay dagaal lix maalmood socday oo ay la gashay wadamada carabta sannadkii 1967-dii ku qabsatay daanta galbeed ayaa hadane wadamada caalamka ay diideen inay aqoonsadaan sheegashada Israa’iil.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top