Connect with us

somalilandtoday.com

Askari Ka Tirsan Ciidamada SPU Oo Lagu Dilay Boosaaso

focus

Askari Ka Tirsan Ciidamada SPU Oo Lagu Dilay Boosaaso

(SLT-Boosaaso)-Askari ka tirsan ilaada ciidamada gaarka ee hay’adaha caalamiga ah ee magacooda loo soo gaabsho (SPU) ayaa toogasho ku dilay duhurnimadii maaanta askari kale oo isla ciidanka illaada hay’adaha ah.

Dilka ayaa dhacay xilli ay askarta ku sugnaayeen xarun ay deganyihiin dhawr hay’adood uu ku taalla magaalada Boosaaso.
Lama oga sababta ka dambaysay in askarigani uu dilo askariga kale ee ay hal goob ka wada shaqaynayeen.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed oo ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, isla markaasna ay baadhi doonaan sababta askarigani uu dilka u gaysatay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top