Connect with us

somalilandtoday.com

Xogo Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Madaarka Berbera Iyo Sababta Loo Joojiyay Saldhigii Millatari Ee Imaaraadka

focus

Xogo Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Madaarka Berbera Iyo Sababta Loo Joojiyay Saldhigii Millatari Ee Imaaraadka

(SLT-Hargeysa)-Masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland oo aan magaciisa sheegin, islamarkaana u dhuun daloola xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka ayaa warbaahinta Somalilandchronicle u sheegay in arrinta madaxweyne Biixi shalay ku dhawaaqay ee ah in madaarka Berbera ee hore u ahaa mid Militari ahaan Imaaraadku u isticmaalaya hadda noqonayo mid rayid ah uu ku yimid is fahan iyo heshiis u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka.

Xogaha ay bixiyeen ilo wareedyo aan magacooda la sheegin ayaa intaasi raaciyay in ay u muuqato in Imaaraadku labada u jeedo ee Militari ahaan iyo shacab ahaan ba loo adeegsan doono Madaarka taas oo meesha ka saaraysa heshiiskii ahaa in Imaaraadku Somaliland u dhiso madaar gaar ah oo shacab ah.

Dawladda Imaaraadka ayaa hoos u dhigtay ku lug lahaanshaheeda dagaalka Yemen iyada oo la fahansan yahay in ay taageersan tahay qaybta Koonfureed ee gooni isu taagga raadinaysa.

Madaxweyne Biixi ayaa shalay sheegay in dhakhso loo bilaabayo dhismaha Madaarka waxaanay u muuqata in dawladda Imaaraadku dhisayso madaarka uu madaxweynuhu ku sheegay mid weyn oo gobolka ku soo kordhaya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top