Connect with us

somalilandtoday.com

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ee Somaliland Oo Midaynaysa Xogta Qaranka.

focus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ee Somaliland Oo Midaynaysa Xogta Qaranka.

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlay sidii xogta dalka loo mideyn lahaa waxaanu wasiirku sheegay in guddiyadii ka shaqayn lahaa macluumaadkaasi ay isugu yeedheen.

waxa uu sidoo kale wasiirka wasaarada arrimaha dibedda somaliland sheegay in ay qabanayaa shirar  lagu sii xoojinaayo barnaamijka lagu ururinayo xogta qaranka kaasi oo dhawaan ay bilawoday wasaaradda Arrimaha Dibaddu.

Wasiir Faratoon waxa uu sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ee laga leeyahay barnaamijka maclumaadka Qaraka uu yahay sidii loo midayn lahaa xogaha kala duwan ee dalka kuwaasi oo haatan siyaabo kala duwan oo aan midaysnayn u baxa. wasiirku waxa uu sheegay in dhammaan xogahaasi laga dhigi doono kuwo mid ah oo isku si u baxa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top