Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Ugu Sarraysa Maraykanka Oo Ogolaatay Qorshaha Lagu Dhimayo Soogalooti

focus

Maxkamadda Ugu Sarraysa Maraykanka Oo Ogolaatay Qorshaha Lagu Dhimayo Soogalooti

(SLT-Washington)-Maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka ayaa maamulka Trump u ogolaatay qorsheyaasha aadka u xadidaya in dadka soo galootiga ah ay magangalyo dalbadaan.

Sharcigan ayaa dhigaya in dadka ka imaanaya dal saddexaaad ay magangalyo halkaas waydiistaan ka hor inta ayna Maraykanka imaan.

Waxaa jira dadaallo dhanka sharciga ah oo lagu diidan yahay qorshahan balse xukunkan ayaa ka dhigan in dalka oo dhan laga hirgalin karo hadda.

Madaxweyne Trump ayaa Twitter-ka ku soo qoray arrintaasi waa “Guul wayn oo maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ay ka soo hoysay arrimaha xuduudaha iyo soogalootiga”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top