Connect with us

somalilandtoday.com

Taliye Ku-xigeenka Sirdoonka Qatar Oo Socdaal Qarsoodi Ah Ku Tagay Muqdisho

focus

Taliye Ku-xigeenka Sirdoonka Qatar Oo Socdaal Qarsoodi Ah Ku Tagay Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Warar lagu kalsoonaan karo oo aanu helnay ayaa sheegaya in Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Qatar uu maalin ka hor safar qarsoodi ah oo qaadatay hal maalin uu ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Abdallah Mohamed Mubaarak Saalax Al-khaliifi uu booqasho qarsoodi aheyd uu 8-dii bishan September ku yimid Muqdisho, waxaana ay magaalada ku hoydeen habeen, iyagoo shalay ka dhoofay.

Taliye ku-xigeenka oo ay wehliyeen Saraakiil kale ayaa kulamo la qaatay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Mr Fahad Yaasiin oo bishii hore si buuxda xilka Taliyaha loogu magacaabay, kaddib muddo sannad ku dhow oo uu Sii haye ka ahaa Hey’adda.

Ammaanka Taliye kuxigeenka Sirdoonka Qatar ayaa waxaa la wareegay intii uu Muqdisho ku sugnaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan.

Qatar ayaa saameyn weyn oo qoto dheer ku leh Hey’addaha Amniga iyo Sirdoonka Soomaaliya, iyadoo la sheego inay taageero gaar ah siiso Hey’adda Sirdoonka ee uu hoggaankeeda haayo Mr Yaasiin oo xidhiidh dhow la leh Qatar.

Labadii sanno ee u dambeeyay saameynta Qatar ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysaneysay, iyadoo si dhow u taageerto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana jiray booqasho dhowr ah oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tageen Doxa.

Bishii hore ayaa waxaa booqasho ku yimid Muqdisho Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaana uu ahaa Mas’uulkii ugu heerka sareeyay ee soo booqda Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2015, waxaana Qatar ay haatan mallaayiin doollar ku bixineysa mashaariic kala duwan oo ay ugu weyn tahay dhismaha Dekeda Hobyo ee Gobolka Mudug.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top