Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiir reer Yurub ah oo Xilka Iskaga Casishay Si Ay Wakhti Badan Ula Qaadato Xubnaha Qoyskeeda

focus

Wasiir reer Yurub ah oo Xilka Iskaga Casishay Si Ay Wakhti Badan Ula Qaadato Xubnaha Qoyskeeda

(SLT-Sweden)-Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallstromoo siyaasadda arrimaha dibadda ee Sweden ku hoggaamineysay ilaalinta xuquuqda dumarka laga soo bilaabo intii ay xilkaa qabatay ee 2014, ayaa sheegtay iney jagadeeda iska casileyso si ay wakhti dheer ula qaadato qoyskeeda.

Wallstrom waxaa aad loogu yaqaannaa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, hore waxey u ahayd ergayga Qaramada Midoobay ee gabood falka Jinsiga ee gudaha goobaha lagu dagaallaamo, laba xillina waxey qabatay jagada Wakiilnimo ee Midowga Yurub.

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden ayaa bayaan ay soo saartay ayaa waxey ku sheegtay; “Waxwalba waxaan u huray sidii aan waddankeyga Sweden uga dhigi lahaa mid ammaan ah oo dunida ixtiraam iyo qadarin ka haysta”, waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxaa la joogaa waqtigii aan waqti fiican la qaadan lahaa ninkeyga, caruurtayda iyo ilmaha aan ayeeyada u ahay.”

Wasiirkan ayaa hore waxey ugu khasbanaatay iney hakiso safar ay ku tagi lahayd Israel kadib markii xukuumadda Sweden ay ictiraaftay dowladda Falastiin. Israel na ay safiirkeedii kala baxday Stockholm.

Wasiir Wallstrom waxey sheegtay iney filayso in ra’iisul-wasaaraha, Istiifan Lofan uu talaadada soo aaddan ku dhawaaqo wasiirka xilka ka bedelaya, waxeyna sheegtay in isla markaa ay dooneyso iney xilka iska tiriso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top