Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Khartuum Oo Diiday In Damaanad Lagu Sii Daayo Madaxweynihii Hore Ee Suudaan

focus

Maxkamadda Khartuum Oo Diiday In Damaanad Lagu Sii Daayo Madaxweynihii Hore Ee Suudaan

(SLT- Khartuum)-Maxkamada magaalada Khartuum ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, oo wajahaya eedo Musuq Maasuq.

Al-Bashiir oo xilka laga tuuray 10-kii bishii April ee sannadkan ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday hantida Dadweynaha.

Dambiyada loo heesto intii uu xilka hayay ayaa waxaa ka mid ah lunsashada lacagta qaranka musuq maasuq iyo in uu aqbalay 90 million oo Dollar oo sharci aheyn oo uu ka qaatay saraakiil ka tirsan boqortooyada Sacuudiga.

Mar uu todobaadkii hore ka soo muuqday shaashadaha tan iyo markii xilka laga tuuray ayaa wuxuu sheegay in 25 million oo ka helay dhaxal suge Maxamed Bin Salman, balse aanu u adeegsan danihiisa Gaarka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top