Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Farmaajo Oo Markii U Horreysay Ka Qeyb Galaya Shirka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobey

focus

Madaxweyne Farmaajo Oo Markii U Horreysay Ka Qeyb Galaya Shirka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobey

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in markii ugu horreysay sannadkan 2019 uu ka qeyb galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka dhicin doona dalka Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheysnta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo Sannadkan uu ka qeyb geli doono Shirka Qaramada Midoobey.

Wasiirka Jamaal ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay xili uu faahfaahin ka bixinayay Shir Magaalada Baydhabo ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii sanno ee uu xilka Madaxtinimada hayay ka qeyb gelin shirka Qaramada Midoobey, sababo la xidhiidha dhalashada Mareykanka ee uu heystay, waxaana Horaantii bishii hore uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu ka laabtay dhalashadii Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top