“Dhaqaale Darro Ta Dalka Haysa Ka Weyni Nama Hayso.” Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Jawaabay Su’aal Laga Waydiiyey Sababta Ay Uga Gaabiyeen Colaadda Soo Noqnoqotay Beelaha Ceel Af-Weyn
“Dhaqaale Darro Ta Dalka Haysa Ka Weyni Nama Hayso.” Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Jawaabay Su’aal Laga Waydiiyey Sababta Ay Uga Gaabiyeen Colaadda Soo Noqnoqotay Beelaha Ceel Af-Weyn
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sababta ay uga gaabiyeen Colaadda soo noqnoqotay Beelaha Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Telefiishanka SAHAN oo uu waraysi siiyey waydiiyey sababta Golaha Guurtidu uu ergooyin nabadeed ugu diri waayay Ceel Af-weyn oo dhibaatada amni-darro ee ka jirtaa muddo soo noqnoqotay, ayaa ku jawaabay in aanay Guurtida ku wanaagsanayn inay gasho Colaad markaa taagan, maaddaama buu yidhi ay joogaan Dawladdii iyo Ciidammadii amnigu.
Guddoomiye Saleebaan-nuur oo ugu horrayn ka jawaabaya in sababta keentay inay ka gaabiyaan Xallinta Colaadda loo maaro la’yahay ee Ceel Af-weyn tahay dhaqaale xumo haysa Golaha Guurtida ayaa yidhi “Dhaqaale darro ta dalka haysa ka weyni nama hayso.”