Connect with us

somalilandtoday.com

Xuutiyiinta Oo Weerar Kale Ku Qaaday Saldhig Millatari Oo Ku Yaalla Sacuudiga

focus

Xuutiyiinta Oo Weerar Kale Ku Qaaday Saldhig Millatari Oo Ku Yaalla Sacuudiga

(SLT-Riyadh)-Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha laheyn oo loo yaqaan Drone-ka ayaa weerar ku qaaday saldhig millatari oo ku yaalla gobolka koonfur galbeed ee Sacuudiga.

Afhayeenka maleeshiyada xuutiyiinta Janaraal Yaxya Saree ayaa sheegay in ay beegsadeen saldhiga ciidanka cirka ee King Khaalid.

Xarunta la weeraray ayaa 884 kiilo mitir dhanka koonfureed uga beegan magaalada caasimada ah ee Riyaad.

Dhanka kale kooxda Xuutiyiinta ayaa ku hanjabtay inay sii socon doonto weerarada ay ka geysanayaan illaa iyo inta ay socoto xasuuqa lagu hayo shacabka Yemen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top