Connect with us

somalilandtoday.com

Dablay Hubaysan Oo Bariga Magaalada Ceerigaabo Ku Afduubtay Gaadhi Ay Leedahay Hay’dda CARE

focus

Dablay Hubaysan Oo Bariga Magaalada Ceerigaabo Ku Afduubtay Gaadhi Ay Leedahay Hay’dda CARE

(SLT-Hargeysa)-Baabuur u shaqaynayay Hay’adda CARE ayaa galabta maleeshiyo hubsaysani ku afduubeen Magaalada God-caanood ee bariga Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, waxaana saarnaa laba ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda CARE iyo darawalkii gaadhiga waday, waxaana la sheegay inaan waxba la yeelin dadkaas saarnaa Gaadhiga.
Sida la sheegay maleeshiyadaasi waxay kaxaysteen gaadhigii ka ka dib markii ay ka dejiyeen darawalkii iyo labadii sarkaal ee ka tirsanaa Hay’addaas.
Baabuurkan siday shaqalaha Hay’adda CARE ayaa malmahan ka shaqaynayay Magaalooyinka bariga Ceerigaabo, waxaana Ha’adda CARE halkaas ka waday barnaamij xaga cuntada ah.
Gaadhigan ayaa u soo socday dhinaca Magaalada Ceerigaabo markii jidgooyada loo galay. Darawalkii iyo labadii sarkaal ee Ha’adda CARE ayaa goor dambe oo galabta ah gaadhay Magaalada Ceerigaabo, walow gaadhigii ilaa hada maqan yahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top