Connect with us

somalilandtoday.com

Sarkaal Ka Tirsan Booliska Kenya Oo Lagu Dilay Is-Rasaaseyn Dhex-Martay Ciidanka Amniga Nairobi

focus

Sarkaal Ka Tirsan Booliska Kenya Oo Lagu Dilay Is-Rasaaseyn Dhex-Martay Ciidanka Amniga Nairobi

Askari ka mid ah ciidanka amniga Kenya ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah saraakiisha sare ee Booliska magaalada Nairobi.

Taliye ku xigeenkii ciidanka booliska degmada Riruta Benson Indeche ayaa dhaawac xoogan ka soo gaadhay kadib markii ay murmeen askari ay saldhiga ka wada Howlgalayeen.

Mr Indeche ayaa lagu toogtay xaafada Kawangware kadib muran soo kala dhexgalay askarigaan oo ku jiray howlo Roondo ah sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay taliska booliska Nairobi.

Askariga dilka geystay oo sakhraansanaa ayaa u hanjabay ragga ku shaqeesta mootooyinka kuwaasi oo dacwad ka Gudbiyay.

Taliska booliska saldhiga Riruta oo ka duulaya arintaan ayaa ku guul dareystay markii xaalada ay gaadhay gacan ka hadal waxaana dhaawac uu soo gaadhay taliye ku xigeenka la dilay iyo askariga dhaawaca gestay.

Mr Indeche, ayaa ugu dambeyn ku geeriyooday Cisbitaalka haweenka ee Nairobi halka askariga kale ee wax dilay uu xaalada halis ah ku Jiro.

Dalka Kenya ayaa aalaaba waxaa ka dhaca muranada u dhaxeeya askarta kuwaasi oo ugu dambeyn isku badala gacan ka hadal dhimasho Sababa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top