Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Ku Baaqay Doorasho Deg-deg Ah

focus

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Ku Baaqay Doorasho Deg-deg Ah

(SLT-London)-Raysal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa dalbaday doorasho baarlaman oo waqtigeda laga soo hormariyo, taasi oo dhici doonta 15-ka October.

Johnson ayaa dalabkan doorashada deg degga ah waxa uu maanta ka hor jeeediyey baarlamanka, maalin kadib markii ay xildhibaannada dusha u saareen guul-darro taariikhi ah, ayaga oo diiday in Britain ay heshiis la’aan ka baxdo Midowga Yurub.

“Dowladdan waxay dalkan ka saari doontaa Midowga Yurub 31-ka October, waxaana na hortaagan hal shey oo kaliya, oo ah sharciga is-dhiibitaanka ee uu soo jeediyey hoggaamiyaha mucaaradka” ayuu yidhi Johnson.

Johnson ayaa sheegay in codbixintii shalay ay siineyso hal ikhtiyaar oo kaliya, kaasi oo ah doorasho soo hormarta.

Waxa uu sheegay in hanjabaaddiisa ah inuu Britain ka saarayo Midowga Yurub heshiis la’aan 31-ka October, ay 27-ka dal ee kale ee xubnaha ka ah ururka ku qasbeyso inay ogolaadaan heshiis ay doorbideyso Britain.

Xildhibaanadda mucaaradka ayaa la filayaa inay maanta baarlamanka horgeeyaan sharci mar kale dib u dhigaya ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, si heshiis looga gaaro xeerarka lagu kala tagayo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top