Connect with us

somalilandtoday.com

Ururka Xisbullah Oo Gaadiid Dagaal Ka Gubay Millatariga Israa’iil

focus

Ururka Xisbullah Oo Gaadiid Dagaal Ka Gubay Millatariga Israa’iil

(SLT-Lubnaan)-Diyaaradaha wax basaasa ee Millatariga Israa’iil ayaa bilaabay inay dul heehaabaan qeybo ka mid ah xadka dhanka koonfureed ee Lubnaan sida ay tabinayaan warbaahinta Lubnaan.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa kadib dagaal maalintii shalay xadka labada dal ku dhaxmaray ciidanka Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa ururka Islaamiga ah ee Xusbullah.

Wakaalada wararka Lubnaan oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha wax sawira lagu arkay tuulada Al-jabal ee dhacda degmada Marjiyoon, saacadihii hore ee shalay.

Shalay ayey aheyd markii dagaalyahanada Xisbullah ay gantaalaha lagula dagaalamo gawaadhida dabaabaadka ee Tangiga loo yaqaan ku weerareen saldhig ay leeyihiin millatariga Israa’iil.

Xusbullah ayaa sheegtay inay kaga jawaabeyso weerarkaan duqeyn laba dagaalyahan lagaga dilay oo todobaadkii hore ka dhacday gudaha Suuriya.

Sida laga soo xigtay ururka Xisbullah dagaalkii shalay ayey sheegeen in ay ku gubeen mid ka mid ah taangiyada dagaalka oo ku sugnaa bar ciidan oo ku taal degaanka Avivim ee koonfurta Isreal ayna u badan in dhaawac iyo dhimasho ay ka Dhalatay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top