(SLT-Hargeysa)-Xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa war ka soo saaray safar uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ay saaka ugu baxeen dalka Jabuuti.
Warkan ka soo baxay madaxtooyadda oo soo gaadhay xafiiska warqabadka
Somalilandtoday ayaa u dhignaa sida tan:
Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay
gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli
doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen.
Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada
dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda
Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.