Connect with us

somalilandtoday.com

Britain Oo Qarka U Saaran Doorasho Kale Oo Xilligeeda Kasoo Hormartay

focus

Britain Oo Qarka U Saaran Doorasho Kale Oo Xilligeeda Kasoo Hormartay

Ra’iisal wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa ku adkeysanaya in aanu rabin doorasho guud oo xilligan ka dhacda dalkiisa, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada in ayna u codeyn dib u dhigidda waqtiga ka bixitaanka Midowga Yurub.

Balse BBC-da ayaa fahansan in ra’iisal wasaaraha uu isku dayi doono ku dhawaaqidda doorasho xilligeeda ka soo hormartay, dhici kartana 14-ka October, waa haddii xildhibaannada ay horjoogsadaan bixitaan heshiis la’aan ah.

Wasiirro hore oo ka tirsan xisbul xaakimka ayaa ka gacan siinaya xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha ka hortagga in UK ay 31 October Midowga Yurub uga baxdo qaab heshiis la’aan.

Mr Johnson oo warbaahinta kula hadlay banaanka xafiiskiisa No 10 ayaa sheegay in tallaabada noocaasi ah ay “mustaxiil” ka dhigi doonto wadahadallo dheeraad ah oo uu dalkiisa la galo Midowga Yurub si ay u gaaraan heshiis cusub.

Waxa uu dhanka kale sheegay in haddii ay xildhibaannada taageeraan dadaalka dowladdiisa, uu ku guulaysan karo inuu wax ka bedelo heshiiska hadda u dhexeeya labada dhinac ee uu baarlamaanka saddexda jeer diidday.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay inay korortay suuragalnimada ah in heshiis cusub laga gaaro arinta bixitaanka, maadaama buu yiri ay UK isu diyaarisay ka bixitaanka Midowga Yurub xilliga loo qabtay wax kasta oo dhacaba.

Doorashada guud ee rasmiga ah ayay tahay inay dhacdo sanadka 2022.

Sida uu dhigayo xeerka waqtiga go’an ee baarlamaanka, Mr Johnson ayaa u baahan taageerada saddex meeloodoo laba meel xildhibaannada oo tiradooda guud ay tahay 650 si doorasho xilligeeda ka soo hormartay ay u dhacdo.

Haddii uu codkaasi helo waxa uu soo jeedin karaa taariikhda ay doorashada dhacayso, taasoo noqon karta arin muran badan dhalisa marka la eego waqtiga yar ee ka harsan xilliga loo qabtay ka bixitaanka.

Doorasho Britain ka dhacda ka hor dhammaadka sanadkan ayaa noqon doonta tii saddexaad ee dalkaasi soo marta shantii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay doorashooyin guud dhaceen sanadihii 2015 iyo 2017.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top