Connect with us

somalilandtoday.com

“Anigu Waan Caafimaad Qabaa….” Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay War Laga Baahiyay Xaaladiisa Caafimaad

focus

“Anigu Waan Caafimaad Qabaa….” Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay War Laga Baahiyay Xaaladiisa Caafimaad

(SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidammada Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa ka hadlay war lagu baahiyay facebook been abuur ah oo lagu furtay magaca ciidanka booliska Somaliland, taliyihu waxa uu beeniyay warka lagu baahiyay facebook been abuur ah kaasi oo wax lagaga sheegay xaaladiisa caafimaad.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga waxa uu ku yidhi sida tan:

“Sidaan Horaba Warbixin idinkula Wadaagay Page Maaha Mid Ciidanka Police Leeyahay, Waa page Been Abuur ah Waxaana Qoraaya Qof Dano kale Leh.
Anuu Waan Caafimaad Qabaa Balana ma Qabo Pagekana Dabo gal Ayaanu Ku haynaa.

Wabilaahitawafiiq”

Halkan hoose ka daawo Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman oo hore uga hadlaya bogga facebook ee been abuurka ah

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top