Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxaa Soo Kordhaya Dhallinyarada Soomaaliyeed Ee Diinta Ka Baxaya…” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

focus

“Waxaa Soo Kordhaya Dhallinyarada Soomaaliyeed Ee Diinta Ka Baxaya…” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Waxaa soo kordhaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee diinta ka baxaya W/Q Cabdiraxmaan Cabdishakuur Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir

Maalmahan waxaa soo kordhaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee diinta ka baxaya, kuna dhiirranaya in ay warbaahinta xiriirka bulshada si furan uga doodaan. Dhallinyarada caddeysanaysa waxay u badan yihiin kuwa qurbaha, waxaase jira dhallinyaro badan oo diinta ka shakisan oo gudaha dalka ku nool, laakiin sababo amni darteed aan caddeysan karin fikirkooda.

Waxay dood la xiriirta jiritaanka Eebbe iyo run ahaanshaha risaalada Nabiga (SCW) ina dhexmartay dhallinyaro iyo masuuliyiin xildhibaanno, wasiirro iyo safiirro ka mid yihiin. Markii arrinku dhowr ruux dhaafo waxaa loogu yeeraa (phenomena) ama (ظاهرة.), mana ah wax l qarsoomi kara.

Waxaa iyana dhinac socota afkaarta diinta ee xagjirka ah ee kooxaha qarxiska iyo qoorgooyada sida Al-shabaab iyo Daacish ay wadaan ama kuwa aan gacan ka hadalka aheyn laakiin xagjirka ah sida Al-saaciduun Bil-xaq iyo kuwa la mid ka ah.

Dhinaca kale waxaa soo baxay dhallinyaro aan aqoon badan diinta u lahayn oo isku deyaya in ay farriimo Koo-kooban oo dabacsan oo qosol iyo si maadaysi leh diinta u gudbiyaan.

Natiijada Ilxaadka ama diin ka baxa, iyo in dadku u jabaan dhallinyarada farriimaha dabacsan ee maadeysiga leh la yimid waxaa qayb weyn ka ah fikirka gurracan iyo falalka argagixiso ee ay ku kacayaan kooxaha xagjirka ah oo dadkii diintii nacsiiyey.

Waxaa kaloo qayb ka mid kooxaha Islaamiyiinta kala duwan ee Soomaaliya ka jiri jiray laakiin haatan nuxuusay sida: Al-itixaad, Al-islaax, Al-waxda, Aalu Sheekh iwm ee ka soo qalin daartay Ikhwaanul Muslimiinka Masar ama Salifiyada Sacuudiga. Kooxahaas waxay la yimaadeen hal ku dhigyo waaweyn, waxay abuureen baraarug cusub oo dhallinyarada lagu kalsooni gelinayo in Islaamku xal u yahay nolosha aduunka iyo dawladnimada. Waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, sidoo kale waxay isku dayeen in ay iska dhiciyaan ama ka hortagaan afkaarihii iyo aragtiyadii galbeedka ee ka soo burqanayey (Modernity, الحداثة), ama Aqoonta Casriga.

Raggii waaweynaa ee afkaarta Islaamiyiinta keenay waxay taageerayaashoodii u sheegeen in ay aqoonta casriga qaybteeda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda qaataan, laakiin ay iska ilaaliyaan qaybta falsafada, fikirka iyo aqoonta aadanaha la xariirta. Dhallinyaradii ay fikirkaas ku abuureen markii ay u daaddageen falsafadii sayniska iyo Tiknoolajiyada ee ay Modernity ama Casriga , badwayn ayey ku dhexdhaceen, waxaana ka hor yimid su’aalo badan oo aan jawaab loo haynin oo maanwareer ku riday. Waxay kaloo xaraakaadkii Islaamiga ku fashilmeen in ay u jawaabaan nolosha iyo xaalada murugsan ee dalka ka taagan, taasoo hanjab ku riday dhalinyaradii ay gacanta ku hayeen. Culimadiina intoodii badnayd waxay noqdeen maadiyiin aduun bursi ku jira. Waxay galeen ganacsi, NGOs iyo qaar maamulada iyo dawladahii dalka soo maray isku dhiibay. Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay afkaartii iyo mabaadi’dii qurxoonayd oo ay dhalinyarada u sheegi jireen.

Waxaa kaloo iyana soo baxday in dhallinyarada qurbaha ku dhalatay iyo waalidoontada ama cullimada Soomaaliyeed ee casrigan joogta aysan isla jaanqaadi karin.

Waalidku haddii uu dadaalo wuxuu ubadkiisa geyn karaa malcamad iyo Masjid, balse waxaa soo baxday in dhallinyaradii aysan jawaabo u heli karin su’aalaha kaga imaanaya falsafada iyo climiga ay Iskuullada iyo jaamacadda ugu tegayaan, gaar ahaan kuwa liddiga ku ah diimaha.

Falalka gurracan ee kooxaha argagixisada ah, u daaddegga falfasada aqoonta casriga ah iyo iyadoo aysan jirin culimo ama mufakiriin Soomaaliyeed oo arrinkaas dhallinyarada ka horreeya oo cullimadii ay u bateen wacdi iyo waano ku celcelis ah, waxay keentay in la waayo cid si caqli ah dhallinyaradii u qancisa, keliya habaar iyo aflagaaddana dusha looga rido.

Imaam Abuu Xaamid Al-ghasaali ayaa xilligiisii waxay muslimiintu ku daateen barashada Falsafada. Taasi waxay dhashay in diintii la xaqiro hoosna loo fiiriyo cullimadii, cidii aan falfasafadda barana caamada lagu xisaabo. Al-ghasaali wuxuu billaabay in uu Falsafada u xeraysto, darso ka dibna naqdiyo oo dhaliilo. Wuxuu qoray buuggii caan baxay ee loo bixiyey (تهافت الفلاسفة), Macno darrida Falaasifada. Waxaa la oran jiray Al-ghassali Falsafadii ayuu cirka ka soo dejiyey oo uu dhulka keenay. انزل الفلسفة من السماء الي الأرض

Waxaan maanta u baahanahay Al-Ghasaali yaal badan oo aqoonta casriga ah inta darsa, diintana yaqaan oo meel naga saara su’aalaha waaweyn ee jawaabaha waafiga ah u baahan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top