Connect with us

somalilandtoday.com

Wakhtiga La Maxkamadaynayo Naqshadeeyaha Weerraradii 9/11 Oo La Shaaciyay

focus

Wakhtiga La Maxkamadaynayo Naqshadeeyaha Weerraradii 9/11 Oo La Shaaciyay

(SLT-New York)-Waxaa la muddeeyay waqtiga la maxkamadayn doono Khaalid Sheekh Maxamed, oo ku eedaysan inuu yahay ninka naqshadeeyay weerraradii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday.

Mr Maxamed ayaa waxaa lala maxkamadayn doonaa afar nin oo kale, kuwaas oo maxkamadayntoodu ay 11 bisha Janaayo 2021 ka dhici doonto maxkamad milateri oo ku taal Guantánamo Bay.

Raggan ayaa waxa ay ku eedaysan yihiin inay galeen dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin argagixisanimo iyo dilka ku dhawaad 3,000 oo qof.

Raggan shanta ah ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee maxkamad la keeno ku dhawaad 20 sanadood kaddib markii ay dhaceen weerraradii burburka badan gaystay ee lagu qaaday New York, Washington iyo Pennsylvania.

Haddii lagu helo dambiga kooxdan waxa ay wajahayaan dil.

Khaalid Sheekh Maxamed ayaa waxaa 2003 laga soo qabtay waddanka Pakistan, waxaana lagu soo wareejiyay saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Guantánamo ee dalka Cuba halkaas oo markii dambe eedaha loogu soo jeediyay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top