Connect with us

somalilandtoday.com

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Duqeyn Imaaraadka Ka Geystay Yemen

focus

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Duqeyn Imaaraadka Ka Geystay Yemen

(SLT-Dubai)-Imaaraadka carabta ayaa shaaca ka qaaday in duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ay ka geesteen gudaha dalka Yemen, iyadoo weerarkaan ay cambaareysay dowladda uu hoggaamiyo Abdu Rabbu Mansuur Haadi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xilli dambe wasaarada arimaha dibada Imaaraadka ayaa lagu sheegay in duqeymahan lala beegsaday saldhigyo ay leeyihiin kooxaha Argagixisada.

Dagaalyahanada la weeraray ayaa la sheegay in ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga oo Imaaraadka qeybta ka Yahay ee ku sugan waqooyiga Yemen.

Maamulka Dubai ayaa dhanka kale ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca dagaalyahanada la Duqeeyay.

Dhanka kale duqeyntan ayaa si xoogan waxaa ugu hadlay wasiirka warfaafinta ee dowlada dibad jooga ah ee Yemen, mr Mucamar Al-Ceryani waxaana uu sheegay in 300 oo rayid ah ay ku dhaawacmeen.

Mucamar ayaa intaa raaciyay in dadka waxyeelada ka soo gaadhay ay ku jiraan 40 askari oo ka mid ah milatariga Yemen.

Meelaga duqeynta ay ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah magaalada Zinjibar ee caasimada u ah gobolka Abyan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top