Connect with us

somalilandtoday.com

Xuutiyiinta Yemen Oo Mar Kale Weerarray Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Sucuudiga

focus

Xuutiyiinta Yemen Oo Mar Kale Weerarray Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Sucuudiga

(SLT-Riyadh)-Gantaal ay Yemen ka soo rideen Kooxda Xuutiyiintu ayaa ku dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Abha ee Dalka Sucuudiga, Arbacadii Xalay.

Gantaalka oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee Xuutiyiintu la beegsadaan Garoonka diyaaradaha ee Abha ayaan sababin dhimasho iyo dhaawac ah, sida uu ku warramay Wargeyska The National.


Col Turki Al Malki oo ah Afhayeenka Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaallada ka wada Yemen, ayaa sheegay in gantaalku uu Garoonka ku dhacay Xalay 11:30.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa iyaguna xaqiijiyey inay Gantaal ku weerarreen garoonka diyaaradaha ee Abha.

“Ficilladan socdaa waa Dambi dagaal..” ayuu yidhi, Afhayeenka Xulafada oo Maanta hadlay

Afhayeen u hadlay Jabhadda Xuutiyiinta ayaa isaguna sheegay inay Gantaalka la beegsadeen goob Madaarka Abha ka mid ah oo Diyaaradaha lagu xereeyo, hase-ahaatee ma sheegin inay bartilmaameedkoodii la heleen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top