Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Xidhaya Garoon Muhiim U Ah Ganacsiga Hindiya

focus

Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Xidhaya Garoon Muhiim U Ah Ganacsiga Hindiya

(SLT-Pakistan)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ka fiirsanaya in uu xidho garoon diyaaradeed oo ay ka soo degaan shixnadaha ganacsi ee Hindiya.

Xayiraada ganacsi ayaa dhanka kale saameyn ku yeelan doona dhaqaalaha Hindiya.

Xidhiidhka u dhaxeeya labada wadan ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, tan iyo markii xukuumada Delhi ay xayiraada ku soo rogtay gobolka Kashmiir.

Qoraal uu ku soo qoray bartiisa wasiirka Seyniska iyo Tiknoolajiyada Fawaad Choudry ayuu ku sheegay in Ra’isul wasaaraha Pakistan uu ka fikirayo sidii uu u xidhi lahaa garoon diyaaradeed oo ku yaalla Pakistan kana soo dagaan shixnadaha Ganacsi.

Arintaan ayaa dhanka kale saameyn doonta ganacsiga Hindiya ay u dhoofin jirtay Afghanistan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top