Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaal Dhanka Niyuukleer Ah Oo Dhax-mara Hindiya Iyo Pakistan Oo Laga Digay

focus

Dagaal Dhanka Niyuukleer Ah Oo Dhax-mara Hindiya Iyo Pakistan Oo Laga Digay

(SLT- Islamabad)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ka digay in xaaladda ka taagan gobolka Kashmiir ay dhalin doonto dagaal sababa adeegsiga hubka wax gumaada ee Nuclear-ka oo dhaxmara Islamabad iyo New Delhi.

Mr Khan ayaa intaa ku daray haddii beesha caalamka ayna soo faragalin aan laga baaqsan doonin dagaalka labada Waddan.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay xilli uu ka hadlayay bandowga bilowgii bishan dowlada Hindiya saartay gobolka muslimiinta ah ee Kashmiir.

Imraan ayaa dhanka kale sheegay in muhiim ay tahay in beesha caalamka ay kala caddeyso doorkeeda kaga aadan xaalada Cakiran iyo dhibaatada heysata muslimiinta Kashmiir.

Labada waddan oo dagaal uu dhexmaray sadex mar ayaa tan iyo sanadkii sanadkii 1947-dii mid midka kale sheeganaya in uu leeyahay dhulka Kashmiir.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top