Connect with us

somalilandtoday.com

Carruur Iyo Haween Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Idlib Ee Dalka Suuriya

focus

Carruur Iyo Haween Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Idlib Ee Dalka Suuriya

(SLT-Idlib)-Ugu yaraan afar qof oo ay ka mid ahaayeen haweeney iyo cunug yar oo ay dhashay ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Hey’adda u dooda difaaca xuquuqda dadka ee loo yaqaan White Helmets ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dhacay tuulada Basakla oo dad rayid ah ku nool Yihiin.

Dhimashada dadkaan ayaa dhanka kale waxaa xaqiijiyay hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay UK.

Millatariga suuriya oo taageero ka helaya dowlada Ruushka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku heynta gobolka Idlib.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top