(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya oo olole ugu jirta sidii ay xubin uga noqon lahayd 15 xubnood ee golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa warqad qoraal oo ay u dirtay dimplamaasiyiinta 140 wadan waxay ka codsatay Taageero.
Toddobaadkii hore , Kenya waxay 37-13 cod kaga adkaatay wadanka Jabuuti codbixin ka dhacday magaaladda Adis-ababa oo ay qaadeen midowga Afrika.
Qoraalka wasaaradda arrimaha dibada kenya u dirtay dimplamaasiyiinta ayay ku sheegtay in dowladda Kenya ay fursadan uga faa’iidaysan doono horumarinta ammaanka gobolka, howlgalada nabada ilaalinta iyo fulinta ajendayaasha qaramada midoobay, iyadoo ay u mahadceliyeen Midowga Afrika.
Golaha ammaanka ee QM waxaa codka Feto-ga leh 5 wadan oo kala ah Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska, hase yeeshee haddii ay kenya ka mid noqoto waxay awood u yeelaynaysaa inay galaangal ku samayso xubnaha si ay guul u gaadho qorshayaasha u degsan oo ugu horrayso in ururka Alshabaab loo aqoonsado argagixiso Caalami iyo arrinta muranka badda ee ka dhaxaysa Soomaaliya, taasi oo dacwadeedu haatan taallo maxkamada caalamiga ah ee ICJ.