Connect with us

somalilandtoday.com

Dhibaatooyinka Haysta Muslimiinta Aasiya Oo Sii Kordhaya

focus

Dhibaatooyinka Haysta Muslimiinta Aasiya Oo Sii Kordhaya

(SLT-Hindiya)-Waxaa sii kordhaya cadaadiska saaran Muslimiinta ku dhaqan wadamada koonfureed ee Aasiya iyadoo shalay la xusay laba sanno kadib Xasuuqii loo geestay muslimiinta Rohingya.

Howlgalo ay ka sameeyeen millatariga Myanmar gobolka Rakhine sanadkii 2017-dii ayaa waxaa lagu dilay dad u badnaa carruur iyo Haween.

Inkastoo dowlada Myanmar ay gaashaanka u daruurtay eedeymaha loo jeediyay ayaa hadana hey’adda qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha waxay ku bixisay 28 million oo dollar si loo helo Cadeymo.

Dhanka kale dhibaatooyinka haysta muslimiinta ayaa ku baahay wadamada Shiinaha iyo Hindiya oo ka mid ah qaarada koonfureed ee Aasiya.

Xukuumada shuuciga ah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xi Jinping ayaa dhanka kale xaryo ku ooday muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka Xinjiang.

Balse shiinaha ayaa beeniyay eedo wadamada caalamka u jeediyeen waxaana uu sheegay in dadkan la barayo xirfado ay ku shaqeestaan si lagaga hortago weeraro Argagixiso.

Dhanka kale dowlada Delhi ee hogaanka uu u hayo Ra’isul wasaare Narendra Modi ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kordhisay cadaadiska ay ku heyso muslimiinta Kashmiir.

Waa todobaadkii sedaxaado oo xayiraad dhanka socdaalka ganacsiga iyo Isgaarsiinta ay saarantahay gobolka Himalayan.

Wadamada Yurub iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay falalka islaam Naceybka ah ee ka jira dalalka shuuciga ah ee Aasiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top