Connect with us

somalilandtoday.com

Xasan Ruuxaani Oo Ammaanay Shacabka Iiraan

focus

Xasan Ruuxaani Oo Ammaanay Shacabka Iiraan

(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa amaanay midnimada shacabka iyo dowlada Iiraan inay fure u tahay awooda Iiraan.

Waxaan shaki ku jirin in Taariikhda ay baal dahab ka gali doonto midnimada dowlada iyo shacabka ayuu yidhi kadib qudbad uu ka jeediyay warbaahinta dowlada sabtida shalay.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada caasimada ah ee Tehraan ay ka socoto xuska Imam Khumeyni oo ahaa aas aasaha kacaanka islaamiga ah ee Iiraan.

Sanadkasta 23-da Agoosto ayaa la qabtaa xuska madaxweynihii hore ee Iiraan Maxamed Cali Rajaay Ra’isul wasaarihii dalkaasi Maxamed Javad Bahanoor iyo xubno kale oo ka tirsanaa dowlada oo ku geeriyooday weerar ka dhacay magaalada Tehraan 30-kii Agoosto sanadkii 1981-dii.

Iiraan ayaa waxaa uu la kulmaysaa cunaqabateyn kaga Imaaneysa dowlada Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top