Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Lubnaan Oo Sheegay In Israa’iil Ay Weerar Qaawan Ku Soo Qaaday

focus

Raysal Wasaaraha Lubnaan Oo Sheegay In Israa’iil Ay Weerar Qaawan Ku Soo Qaaday

(SLT- Beyruut)-Raysal wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa ka hadlay laba diyaarad oo nooca duuliyaha aan laheyn oo maanta ku burburay koonfurta magaalada caasimada ah ee Beyruut.

Mr Sacad ayaa tilmaamay weerar qaawan oo Israa’iil ku soo qaatay oo ka dhan ah madax banaanida Lubnaan.

Dhanka kale wuxuu intaa raaciyay in isku dayga Israa’iil uu kicinayo xasiloonida ka jirta gobolka Bariga Dhexe.

Arintaan ayaa waxaa sidoo kale goor dhow ka hadlay hogaamiyaha ururka Xisbullah Shiikh Xasan Nasrullah waxaana uu sheegay in weerarka Israa’iil uu halis ku yahay Hormarka.

Afhayeenka Ururkan Maxamed Cafiif ayaa sidoo kale beeniyay maanta in ay soo rideen labada Diyaaradood.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top