Connect with us

somalilandtoday.com

Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Shaaciyay In Uu Jabuuti Ka Taageerayo Xubinimada Golaha Ammaanka

focus

Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Shaaciyay In Uu Jabuuti Ka Taageerayo Xubinimada Golaha Ammaanka

(SLT-Jabuuti)-Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday in uu dowladda Jabuuti ku taageeri doono ololaha ay ugu jirto Xubinimada aan Joogtada aheyd ee Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay kula tartameyso dalka Kenya.

War ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa loogu ballanqaaday Jabuuti inay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, maadaama dowladda Jabuuti ay ka mid tahay Ururka Iskaashiga Islaamka laakiin Kenya ayna ku jirin.

Kenya ayaa toddobaadkii hore ku guuleysatay codeyntii uu sameeyay Midowga Afrika ee Kursiga Bariga Afrika xubinta uga noqonaya 15-ka dal ee Golaha Ammaanka.

Hase ahaatee Jabuuti ayaa sheegtay in ayna ka rajo dhigin ololaha ay kursigaas uga jirto, isla markaana ay taageero ka raadsan doonto dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.

Dalalka ka midka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban 57 dowladood, waxayna taas ay ka caawin kartaa in dowladda Jabuuti ay ku guuleysato Kursigan, marka la gaadho codeynta Qaramada Midoobey oo dhammaan dalalka xubinta ka ah ay si kama dambeys ah ay ugu coddeyn doonaan kursiga ay ku tartamayaan Jabuuti iyo Kenya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top