Connect with us

somalilandtoday.com

“Habar Waalan Baan Xalay Arkoo Joogta Heegada’e, Hadalkay Itidhi Baan Rabaa Inaan Habeeyaaye” Akhri Gabay Cajiib Ah Abwaan Cali Duul Duul.

focus

“Habar Waalan Baan Xalay Arkoo Joogta Heegada’e, Hadalkay Itidhi Baan Rabaa Inaan Habeeyaaye” Akhri Gabay Cajiib Ah Abwaan Cali Duul Duul.

Akhri Gabay Cajiib Ah “Habar Waalan Baan Xalay Arkoo Joogta Heegada’e, Hadalkay Itidhi Baan Rabaa Inaan Habeeyaaye”. Abwaan Cali Duul Duul.

Waxay tiidhi hiyiga laantu waay kala horay saaye
Habar yoonis waxay doonaysaa hilib ay quutaane
Hanaan koodu kama sii fogeyn halabsi goodiiye
Kursi inay helaan waa waxaan lagu hawoonayne
Ciida galena waa wadaa hawiyo hoohi galabeed eh
Hadal iyo waxaan faan ahayn uma hiloo baane
Hareeraha dun buluq bay intaa huuh ka shubayaane
Hee iyo yaa baa uu mudan waana la hubaaye
Waxay habar jeclana raadisaa been hadoodilane
Hindisaha qariban waa waxay han uu lahaayeene
Heemaalka guudbaa dadkuba halis uu haystaane
Haan weeye madhan, gudahaa iyo hoos u dhaadhacaye
Halyeeyeey is moodan hadana malaha heemaale
Hartiguna cidlaay hoganayaan, halow aabareede
Heehaabka waxaa lagu meslaa dooni haydarane
Heeggaa ugo’ayoo haday bado ku heer meene
Hareerahiyo labadooda dhinac laga hormaysiiye
Hadba waxay uyaacan xagaan laga hibaynayne
Habarti Awalo waxay noqdeen hadimo xoogeede
Hogaankiyo wixii loo igmaday haatan laga waaye
Hanfi iyo kulayl bay gasheen hadhac yadeeniiye .
Hoosiiski lagu faani jirey hooskii waa holac eh
Handaraabkii bay nagu xidheen gurigaa hooskiiye
Imikaan hore iyo gadaal looga hiranayne
Hanjebadyo culus bay wadaan haybta Samaroone
Hafto baada bay naga rabaan amase hayn weyn eh
Hanti fooq layaabaan arkaa heelka boorama’ e
Hadii aan la siin iga walay kaba hab saamayne
Hubku waaw u diyaar iyo waxay soo hul binayaane
Hurin ciise waa maqan yahiin waana la hubaaye
Halka ay jiraan lama gartiyo habay uu jeedaane
Haadiyo sidii haad ka adag haatufkiyo taarka, hanqadhoodi baa baxaysa iyo hiriirig toodiiye
Yaa haya, waxaan doonayaa hiray degaayaane
Heemaal Ayuub iyo Toljecel malaha haaneede
Hor weeynkoodii iyo baa la dhacay Hara wadoodiye
Hadowbay ku qaateen hadh galay heelka reer sacade
Haysashada malaha way liqeen goor habeen dumaye
Halkee laga dayaa baadi doon haayiraan ahaye

Abwaan Cali Duul Duul

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top