Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xukun Ku Ridday Rag Lagu Qabtay Khamri Gaadhaya 444 Litir Oo Lagu Soo Mooriyey Caagadaha Biyaha.

focus

Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xukun Ku Ridday Rag Lagu Qabtay Khamri Gaadhaya 444 Litir Oo Lagu Soo Mooriyey Caagadaha Biyaha.

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa xukun ku ridday laba Nin oo la sheegay in lagu qabtay Khamri gaadhaya 444 Litir, kaasi oo lagu soo mooriyey Caagadaha Biyaha.

Garsooraha Maxkamadda ee xukunka ku riday Ragga la sheegay in lagu qabtay Maandooriyaha Khamriga oo xukunka ku dhawaaqaya wuxuu yidhi “Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa 374 Caagadood ee Khamriga iyo 70 quraaradood oo Dry Jiin ah. Khamrigan waxa lagu qabtay laba eedaysane oo mid maqane yahay, lana kala yidhaahdo Khadar Haybe Muxumed iyo Cabdiqani Cabdi Cabdillaahi, labadaa Nin oo caadaystayaal ah oo aanu wakhti hore Maxkamad ka siidayney ayaa Khamrigan lagu qabtay.”

Garsooruhu waxa kale oo uu sheegay “Eedaysanayaasha waxa midkiiba lagu xukumay 4 sanadood oo xadhig Ciqaabeed ah iyo min 4 Million oo Ganaax ah, waa niman Caadaystayaal ah oo dhowr jeer. Gaadhiga Khamriga siday oo Seeraf ah oo uu leeyahay Cabdiqani Cabdi Cabdillaahi waxa lagu ganaaxay 10% qiimihiisa..” ayuu yidhi.

Khamriga ayaa xukunka ka dib, waxa lagu daadiyey meel loogu talo-galay.

Maandooriyaha Khamriga oo Somaliland ka soo gala dhinaca Itoobiya ayaa faro-baas ku haya Shacabka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top