Connect with us

somalilandtoday.com

Kenya Oo Jabuuti Kaga Adkaatay Kursiga Afrika Ee Qaramada Midoobay + Taageeradii FARMAAJO Ee GEELLE Oo Guul-darraystay

focus

Kenya Oo Jabuuti Kaga Adkaatay Kursiga Afrika Ee Qaramada Midoobay + Taageeradii FARMAAJO Ee GEELLE Oo Guul-darraystay

(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Kenya ayaa ku guulaysatay codbixintii Guddiga Joogtada ah ee Ururka Midowga Afrika ee loogu tartamayey cidda qabanaysa kursiga Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2021-ka illaa 2022-ka.

Kenya ayaa cod-bixin ka dhacday magaalada Addis Ababa heshay 37 cod, halka Jabuuti oo la tartamaysay ay ka heshay 13 cod. Soomaaliya ayaa taageeraysay musharraxnimada Jabuuti.

Dawladda Kenya ayaa soo dhoweysay guusha diblomaasiyadeed ee ay gaadhay, waxayna uga mahadcelisay Ururuka Midowga Afrika cod-bixinta ay siiyeen.

Ururka Midowga Afrika ayaa magaca Kenya horgayn doona Golaha Ammaanka bisha June ee sannadka dambe, cod-bixin ka dhacaysa New York. Kenya ayaa haddii ay kursigaasi hesho haynaysa laba sanno. Kenya ayaa in muddo ah si weyn u doonaysay kursigaasi.

Wareegii koowaad ee coddeynta waxay Kenya wayday 3/2 codadkii loo baahnaa, iyadoo heshay 34 cod, waxayna Jabuuti markaasi hesahy 15 cod.

Dhawaan ayay aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageertay ololaha dowladda Jabuuti ay kaga mid noqon laheyn Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tegay dalka Jabuuti.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top