Connect with us

somalilandtoday.com

Askari Ka Tirsan Ciidammada Dowladda Soomaaliya Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho

focus

Askari Ka Tirsan Ciidammada Dowladda Soomaaliya Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Askari ka tirsan Ciidammada Dowladda Soomaaliya ayaa qof rayid ahaa uu ku dilay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge-yaal ayaa sheegay in dilka uu yimid markii ay wada murmeen askariga iyo qofka rayidka uu dilay. Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaas uu huwiyay askariga.

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu dilka kadib ka baxsaday goobtaasi. Ciidamada Booliska ee Isgoyska Tarabuunka fadhiisimaha ku leh ayaan isku deyin inay gacanta ku soo dhigaan askarigaasi.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyaa in ay qayb ka yihiin dhibaatada lagu hayo bulshada ku nool deegaanada ay ka arrimiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top