Connect with us

somalilandtoday.com

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran Ka Gaadheen Qabsoomida Doorashada + Faro-galinta Xukuumadda Iyo Dareenada Ku Xeeran

focus

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran Ka Gaadheen Qabsoomida Doorashada + Faro-galinta Xukuumadda Iyo Dareenada Ku Xeeran

(SLT-Hargeysa)-Golaha wakiillada Somaliland ayaa laalay heshiiska xisbiyada Somaliland ku gaadheen in guddida doorashooyinka Qaranka laga dhigo 9 xubnood waxaana la filaya in doorashada soo socota lagu galo todobada xubnood ee ay hadda yihiin.

Mucaaradka ayaa doonayay in Komishanka Doorashada laga dhigo 9 xubnood si ay mucaaradku u helaan min laba xubnood laakiin, golaha ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aamiyayna in baarlamaanka dambe arrintan lala sugo.

Golaha ayaa sidaasi ku galay fasax bil iyo badh ah.

Warar hoose oo ay helayso Shabakadda Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumaddu ay faro-galin ku samaysay golaha wakiillada si aan loo ansixin arrintaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top