Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaan Bidhi oo ka Warbixiyey Dib u dhiska Biriishyada Burco

focus

Xildhibaan Bidhi oo ka Warbixiyey Dib u dhiska Biriishyada Burco

(SLT-Burco)-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi)  oo ka tirsan xildhibaannada Golaha degaanka ee magaalada Burco ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan dib u dhiskii lagu samaynayey Biriijyada magaaladda Burco.

Xildhibaanka oo warbaahinta Qaranka Somaliland maanta ugu waramayey magaalada Burco ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyey sida deg dega ah ee ay u sii daysay lacagihii lagu dhisi lahaa Biriijyadaasi magaalada Burco oo roobabkii dhowaan ka da’ay ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen.

Xildhibaanka sidoo kale madaxweynaha Somaliland iyo guddida Qandaraasyada Qaranka uga mahadnaqay sida ay u fududeeyeen lacagta ku baxaysa Biriijka Deero Biriij iyo sidoo kalena tartanka ay Guddida Qandaraasyada Qaranku ku shaaciyeen mashruucaasi lagu dhisayo Biriijka Deero Biriij ee magaalada Burco.

Sidoo kale Xildhibaan  Mubaarig Bidhi waxa uu bulshada gobolka Togdheer ugu baaqay in ay ka  qayb qaataan mashaariicda danta guud ee ka dhexeeya bulshada gobolka Togdheer.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top