Connect with us

somalilandtoday.com

Magaalada Addis Ababa Oo Laga Mamnuucayo Dadka Dawarsada

focus

Magaalada Addis Ababa Oo Laga Mamnuucayo Dadka Dawarsada

Maamulka Magaalo madaxda wadanka Ethiopia ee addis ababa ayaa wada qorshe magaaladaasi lagaga qabqabanayo dadka ka dawarsada jidadka caasimadda.

Waxa gabogabo ku dhaw hinde sharciyeed la damacsan yahay in lagu xakameeyo qulqulka dadkan ka dawarsada jidadka magaaladda Addis ababa kaas oo la hor geyn doono waaxda sharci dejinta wadankaasi.

Xoghayaha Warfaafinta Ee xafiiska Duqa Magaaladda Addis ababa oo lagu magacaabo Feven Teshome, ayaa warbaahinta u xaqiijisay warkaasi.

“Waxa aanu qiyaasnay dad gaadhaya 50,000 oo ah kuwa dawarsadaa in ay ku nool yihiiin jidadka magaaladda Addis ababa, Hindise sharciyeedkan aanu diyaarinayna waxa uu xakamayn doonaa dadkaasi, waana dhibaato bulsho isla markaana sawir xun ka bixinaysa bilicda magaaladda Addis ababa” sidaas ayay tidhi

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top