Connect with us

somalilandtoday.com

“Madaxweyne Muuse Biixi Si Qurux Badan Oo Soomaalinimada Iyo Walaalo Isku Soo Hiloobay Ayuu Noo Soo Dhaweeyay…” Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

focus

“Madaxweyne Muuse Biixi Si Qurux Badan Oo Soomaalinimada Iyo Walaalo Isku Soo Hiloobay Ayuu Noo Soo Dhaweeyay…” Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen wafti uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi intii lagu guda jiray waajibaadka Xajka.

Amb. Cawad ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ku sheegay in Hal Qasri ay wada deganaayeen waftiga Wasiirada ee ka socday dowladda Federaalka iyo waftiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiirada kale ee dowladda Federaalka ay u tageen Madaxweynaha Somaliland ayna sallaameen, isagana si soomaalinimo uu u soo dhoweeyay, una sallaamay.

“Kulankaas wuxuu ku yimid annaga iyo Wafdiga Madaxweynaha Somaliland waxaa wada deganeyn hal qasri, masaajid ayaa isku aragnay aniga iyo wasiirada kale dowladda federaalka ayaa u tagay oo salaamay, isagana si qurux badan oo soomaalinimada iyo walaalo isu soo hiloobay ayuu noo soo dhoweeyay oo sharaf ku jirto waan isa salaamanay waa is marxabeynay, kaddib waxaa isku arkeynay meelaha muslimiinta tagaan sida Carafo iyo Mina”ayuu yidhi Axmed Ciise Cawad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top