Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Maleysia Oo Helay Meydka Gabadh U Dhalatay Ireland

focus

Booliska Maleysia Oo Helay Meydka Gabadh U Dhalatay Ireland

(SLT- Maleysi)-Booliska Maleysi ayaa helay meydka gabadh aan dhar wadan oo qaangaadh aheyn taasi oo 10 maalmood ka hor lagu waayay goob loo dalxiis tago iyadoo la ogeyn waxa sababay Geerideeda.

Nuura Anne Quoirin, aheyd gabadh 15 jir ah oo ku dhiban waxbarashada ayaa la waayay raqdeeda 4-tii bishii Agoosto, kadib markii ay ka dageen goobta loo dalxiis tago ee Dusun oo dhacda degmada Seremban, oo dhanka koonfureed 70 kiilo mitir kaga beegan magaalada Kuala Lumpur.

Qoyska gabadhaan ayaa xaqiijiyay in gabadhooda ay tahay, sida uu sheegay taliyaha ciidanka Maleysia Maxamed Mahad Yuusuf.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in baadhitaanka la xidhiidha geerida gabadhaan ay dhameystiri doonaan subaxnimada maanta oo Arbaco ah.

Keynta laga helay Meydka Nuura ayaa qiyaastii 2.5 kiilo mitir waxay u jirtaa goobta ay waalidkeeda ku Sugnaayeen.

Nuura Anne Quoirin, oo heysata dhalashada Ireland iyo Faransiiska ayaa waalidkeeda waxay codsadeen in gacan laga geysto baadhitaanka shaqsiyaadkii ka dambeeyay Dilkaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top