Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Si Farshaxanimo Leh Uga Hadlay Kulanka Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay

focus

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Si Farshaxanimo Leh Uga Hadlay Kulanka Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Bayle oo ka mid ah wasiirrada Soomaaliya ee la kulmay madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in farriinta sawirka ama kulanku xambaarsan yahay tahay midnimo iyo walaalnimo, islamarkaana bulshada Soomaalidu u harraadan tahay nabad waarta iyo dib u heshiisiin rasmi ah.

Boggiisa Twitter-ka ayuu ku qoray qoraal u dhigan “Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah.


Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno.


Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqno ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top