Connect with us

somalilandtoday.com

Jilaaga Caanka Ah Ee Priyanka Chopra Oo Lagu Eedeeyay In Ay Dhiirigelineyso Ciidammada Hindiya

focus

Jilaaga Caanka Ah Ee Priyanka Chopra Oo Lagu Eedeeyay In Ay Dhiirigelineyso Ciidammada Hindiya

(SLT-Hindiya)-Jilaaga caanka ah ee u dhalatay dalka Hindiya ee lagu magacaabo Priyanka Chopra ayaa lagu tilmaamay inay tahay laba wajiile, kadib qoraal ay bishii Febraayo soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya Pakistan iyo Hindiya.

Eedeynta loo Jeediyay ms Chopra ayaa timid intii lagu guda jiray xaflad looga hadlayay waxyaabaha la isku qurxiyo oo lagu qabtay magaalada Los Angles ee dalka Mareykanka.

Ayesha Malik oo ah gabadh Mareykan ah asal ahaansa ka jeeda Pakistan ayaa ku eedeysay Priyanka Chopra in ay dhiiri galisay ciidanka Hindiya, si uu dagaal u dhexmaro labada dal ee daris wadaaga ah.

Ms Malik oo sii hadleysay ayaa sheegtay in aysan dooneyn in ay tagto munaasabada balse ay maqashay ms Chopra oo dhaheysa, waan in aan jeclaanaa dariskeena Pakistaan.

Priyanka Chopra oo jilaa ah ayaa sannadkii 2016-kii qaramada midoobay u magacowday danjire ka shaqeeya arimaha Bani Aadanimada.

Dalalka Pakistan iyo Hindiya oo ku yaal qaarada koonfureed ee aasiya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay qilaafkooda uu isoo tarayay taasi oo ka dhalatay xayiraada ay Hindiya ku heyso muslimiinta gobolka Kashmiir.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top