Connect with us

somalilandtoday.com

FADEEXAD: Waftigii Madaxweyne Muuse Biixi Ee Ku Sugnaa Sucuudiga Oo Kulan La Yeeshay Wasiirro Reer Soomaaliya Ah

focus

FADEEXAD: Waftigii Madaxweyne Muuse Biixi Ee Ku Sugnaa Sucuudiga Oo Kulan La Yeeshay Wasiirro Reer Soomaaliya Ah

(SLT-Hargeysa)-Waftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ee ku sugnaa Sucuudiga ayaa kulan la yeeshay wafti wasiirro reer Soomaaliya ah oo ku sugan magaalada Makka ee dalka Sucuudiga.


Wasiirrada uu la kulmay waftiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ay kala ahaayeen wasiirka wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.


Wararka ay helayso shabakadda wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegay in dawladda Sucuudigu ay isku meel dajisay waftigayad ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya.


Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo oo ay ku wada jiraan waftigii uu hoggaaminayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn cadho uga abuuray dadka reer Somaliland ee isticmaala baraha bulshada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top