Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Iiraan Oo Rajo Ka Muujisay Sii Deynta Markab Lagaga Qabsaday Xeebaha Ingiriiska

focus

Dowladda Iiraan Oo Rajo Ka Muujisay Sii Deynta Markab Lagaga Qabsaday Xeebaha Ingiriiska

(SLT-Tehran)-Waaxda dekadaha Iiraan ayaa sheegtay in dowlada Ingiriisku ay sii deyn doonto markab shidaal oo ay hore u qabsatay, kadib markii labada dal ay is dhaafsadeen macluumaad la xidhiidha sii deynta Markabkaan.

Ciidanka badda UK ayaa bishii hore ku qabtay markabkan ganacsi ee Iiraan xeebaha Gibraltar, xilli uu ku waajahnaa wadanka Suuriya.

Guddoomiye ku xigeenka waaxda Dekadaha Iiraan Jalaal Islaami ayaa u sheegay wakaalada wararka ee IRNA, maanta oo salaasa ah in UK ay sii deyn doonto markabka Grace 1 ayna rajo ka Qabaan.

Mr Jalaal ayaa intaa raaciyay in markabka lagu qabtay eedo been Abuur ah, balse aan wali la sii Deynin.

Dowlada UK ayaa sheegtay iyada oo ka duuleysa cunaqabateynta dalalka midowga Yurub ay saareen xukuumada Bashar Al-Asad ay markabkaan qabteen maadaama shidaal uu waday millatariga Suuriya.

Balse sargaal sare oo u hadlay maamulka magaalada Gibraltar,ayaa beeniyay warkaan waxaana uu sheegay in ayna sax aheyn sii deysmada markabka Grace 1 oo laga leeyahay Iiraan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top