Connect with us

somalilandtoday.com

“Annagu Waa Soomaali-Weyn Odhan Mayno, Laakiin Waxay Ka Muuqataa Ficilkooda…..” Cirro Oo Ka Hadlay Kulanka Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Soomaaliya Iyo Xaaladda Ka Soo Cusboonaatay Deegaanka Ceel-Afweyn

English

“Annagu Waa Soomaali-Weyn Odhan Mayno, Laakiin Waxay Ka Muuqataa Ficilkooda…..” Cirro Oo Ka Hadlay Kulanka Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Soomaaliya Iyo Xaaladda Ka Soo Cusboonaatay Deegaanka Ceel-Afweyn

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay kulan ay Magaalada Barakaysan ee MAKKA ee dalka Sucuudiga ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirro ka mid ah dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sawir lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku xidhiidho gelinkii hore ee Maanta ayaa muujinaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo la Sawiran Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibedda, Maaliyadda, Kalluumaysiga Soomaaliya iyo Sarkaal ka mid ah Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

Sawirkaa ay Masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya ka soo wada muuqdeen oo hadal-hayn badan ka dhex abuuray Bulshada ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Saxaafaddu Su’aal ka waydiisay siduu u arko arrintaasi.

Guddoomiye Cirro oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyey Sawirka Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada Soomaaliya ayaa yidhi “Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Inaad saamo Jiiddiyo, Sanqadh-tirasho kala daa’.’ markaa waxay ila tahay way Caddahay, Shacabka reer Somaliland waa reer Somaliland, Annagu waa Soomaali-weyn odhan mayno, laakiin waxay ka muuqataa Ficilkooda, waxay Dadka ku caayayeen inay sameeyaana ceeb bay ku tahay..”

Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qabsoomida doorashooyin iyo arrimo kale, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top