Connect with us

somalilandtoday.com

Xisbiga WADDANI Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga La Qabanayo Shirkiisa Golaha Dhexe Iyo Goobta Lagu Qaban Doono, Jawaab Adagna Ka Bixiyay Hadalkii Komishanka Doorashooyinka

focus

Xisbiga WADDANI Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga La Qabanayo Shirkiisa Golaha Dhexe Iyo Goobta Lagu Qaban Doono, Jawaab Adagna Ka Bixiyay Hadalkii Komishanka Doorashooyinka

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI Md Cismaan Afgaab Nuur ayaa sheegay in shir guddida fulinta ee xisbigu yeeshay 08-08-2019 lagu go’aamiyay xilliga la qabanayo shirka Golaha Dhexe waxaanu farriin u diray xubnaha ka qayb galaya shirka.


“Shir ka qabsoomay xarunta xisbiga oo guddida fulintu ay isugu yimaaddeen sideedii bishan waxa lagu go’aamiyay in shirkii Golaha Dhexe qabsoomo 28-ka ilaa 29-ka bisha sagaalaad (28-29, September 2019), kana qabsoomo magaalo madaxda Togdheer ee Burco,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cismaan Afgaab

Guddoomiyaha Golaha Dhexe waxa uu farriin u diray xubnaha Golaha Dhexe oo uu ku boorriyay in ay wakhtiga ilaaliyaan “ Waxa kale oo aan farriin u diraya qof kasta oo Golaha Dhexe ka tirsan waxa loo soo diri doona farreen iyada oo loo tilmaamayo xilliga uu imanayo xarunta iyo xilliga uu qaadanayo kaadhka, marka qof kasta oo farriintaasi soo gaadho waxaanu ku wargelina in uu ilaaliyo wakhtiga uu tilmaamayo qoraalka ku soo gaadha oo qof walba sidooda u fuliyo farriimaha soo gaadha,’ ayuu yidhi Md Cismaan Afgaab.

Geesta kale waxa uu jawaab ka bixiyay hadalkii guddida doorashooyinka ee ku aaddana in aanay doorashadu ku qabsoomayn xilligii loo asteeyay.
“Signalka waxaanu dareensan nahay in ay xukuumaddu bixisay sida ay u hadlayaan ay xukuumaddu gudbisay sida ay u hadlayeena ku talo gal ayuu ahaa waxaanay u eeg tahay in ay beesha caalamka ogaysiinayeen reer Somaliland-na niyadda kaga xumaynayeen in aan waddanka wax doorasho ahi ka qabsoomayn


“Waa nasiib darro in iyaga oo muran sanad iyo badh soo jiitamayay daraf ka ahaayeen in ay maalintii u dambeysayna laad ku sii dhuftaan wixii la kabkabayay arrintaas nasiib darro ayaan u arkaa,” ayuu yidhi Cismaan Afgaab

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top